Xiisad ka taagan degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo

Image

07 September, 2015(GO)-Maxamed Cabdi Kaliil oo ah guddoomiyaha dowladda Somaliya ugu magacaaban gobolka Gedo ayaa maanta tagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Tegitaanka Kaliil ee Garbahaarey ayaa xiisad ka dhalisay magaalada, kadib markii ciidamada Ethiopia ee jooga magaalada ay isku hareereeyeen gurigii uu ku sugnaa.

Dadweyne ka mid ah kuwa magaalada ayaa banaanbax ka hor sammeeyey guriga Kaliil ee Itoobiyaanku isku hareereeyeen, taasi oo keentay in ciidamada Ethiopia ay ka tagaan guriga.

Wararka naga soo gaaraya Garbahaarey waxa ay sheegayaan in weli xiisad iyo cabsi ay ka jirto magaalada. 

Dhawaan gobplka Gedo waxaa maamul cusub u soo magacabey maamulka Jubbaland, waxaan Kaliil oo la hadlayay Idaacadda VOA-da uu sheegay in looga baxay hishiis dhigayay in maamulka gobolkaasi aan waxba laga badalin.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo dhawaan tagay Kismayo aya sheegay inaysan dhag jalaq u siin doonin hadalada Maxamed Cabdi Kaliil, isla markaana haatan la joogo waqti loo bahanyahay wax-qabad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM