​Xiisad ka taagan degmada Matabaan

Image

MATABAN, Somalia- Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Mallayshiyaad taabacsan Ahlu Sunna iyo ciidamada maamulka Hir-Shabelle, ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka Somalia.

Wararka GO ka helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in Kooxda Ahlu sunna ay Degmada Matabaan geysay ciidamo aad u badan kadib markii ay ka walaaceen ciidanka Hir-Shabeelle rawareegaan gacan ku haynta degmadaasi.

Dadka Magaalada jooga ayaa qaba Cabsi ah in lagu dul dagaalamo, waxaana qaarkood ay billaabeen inay u barakacaan deegaanada ku dhaw degmada Matabaan.

Gurmad xooggan oo ka yimid dhanka gobolka Galgaduud ayaa gaarey saacadihii lasoo dhaafay degmada Matabaan, kuwaasi oo difaacyo xoogan ka samaystay duleedka degmada.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ciidamo badan u diray dhanka deegaanada ay Ahlu Sunna ka joogaan gobolka Hiiraan, waxaana ciidamada ay hadda ku wajahan yihiin goobo ay Matabaan kamid tahay.

Ahlu Sunna ayaa ah Caqabada ugu wayn ee hortaagan Galmudug iyo Hor-Shabeelle, maadaama ay haysato degmooyin ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Guriceel iyi Matabaan.

Degoomiyinkan, ayaa gacanta u galay kadib markii ay ka saareen kooxda Al Shabaab, waxayna isu arkaan maamul kamid ah kuwa kajira dalka Somalia iyagoo hadda ka hor ku gacan saraysay inay la midoobaan maamulka Galmudug oo ay dhowr jeer ku dagaallameen bartamaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM