Xiisad siyaasadeed oo ka aloosan magaalada Hargeysa

Image

November 15, 2014 (GO)- Saaka oo Sabti ah waxaa dib u furmi doona kal-fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland oo marar badan hakad galay kadib markii khilaaf soo kala dhex galay xukuumadda iyo mucaaradka.

Wararka laga helayo magaalo madaxda Maamulka Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegaya in ajandeyaasha fadhiga Golaha Wakiillada ee saaka uu qayb ka yahay mooshin la doonayo in xilka looga xayuubiyo Guddoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cirro.

Xildhibaanada mooshinkan dabada ka riixaya oo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 50 mudane, waxay ku andacoonayaan in guddoonka baarlamaanku wax ka bedeley xeerkii diiwaan gelinta madaniga ee Goluhu ansixiyey kahor intaan loo gudbin Golaha Guurtida.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland islamarkaana ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa sheegay in ciidamada ammaanku la wareegeen xarunta baarlamaanka islamarkaana xireen wadooyinka xarunta soo gala.

Cirro wuxuu intaas ku daray in ilaaladiisa loo diidey inay xarunta u gudbaan talaabadaasoo uu ku tilmaamay inay tahay inqilaab -waa sida uu hadalka u dhigaye-  haseyeeshee saraakiisha booliska ayaa arintan beeniyey iyagoo sheegay in ciidamadii booliska ee halkaas ilaalada ka ahaa kuwo kale lagu bedeley balse wax kale oo siyaado ahi jirin.

Xalay ciidamada boolisku waxay gurigiisa kala baxeen dabadeedna xabsiga u taxaabeen Xoghayihiii Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle. Lama oga sababta mas'uulkaas loo xiray welina dowladdu wax faah faahin ah kama bixin.

Mooshinka Hargeysa ka socda ee la doonaya in lagu rido Gudoomiye Cirro wuxuu kusoo aadayaa xilli isla maanta baarlamaanka Dowladda Federaalka loo gudbin doono mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM