Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Image

Dhuusamareeb – Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka bilaabay wadahadallo hordhac ah oo uu la leeyahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, kuwaas oo salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug.

Safarka Mahad Salaad ayaa loo arkaa mid gogol xaar u ah booqasho muhiim ah oo la filayo inuu halkaas ku tago Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, si loo xalliyo isfaham darrada sii xoogeysanaysa ee ka dhalatay arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadeed ee Galmudug.

Ilo ku dhow dhanka wada-hadallada ayaa sheegaya in diiradda ugu weyn ee kulammada lagu saarayo muranka ka taagan ka qaybgalka Madaxweyne Qoorqoor ee tartanka siyaasadeed, gaar ahaan xisbiga JSP, iyo suurtagalnimada uu ku geli karo xisbi kale haddii aan la aqbalin shuruudaha uu doonayo.

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed, taas oo Villa Soomaaliya ay u aragto arrin saameyn ku yeelan karta qorshaha doorasho ee Federaalka ee Galmudug.

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan dadaallada lagu doonayo in lagu mideeyo mowqifka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Galmudug, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafku uu saameyn ku yeesho geeddi-socodka doorashooyinka soo socda.

Wadahadallada ka socda Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay kuwo xasaasi ah, isla markaana go’aamin kara jihada xiriirka labada dhinac ee xilligan kala guurka siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM