Xiisad u dhaxaysa Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ka taagan Caabudwaaq

Image

CAABUDWAAQ, Somalia- Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa ka taagan magaalada Caabudwaaq, ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo maalmo kahor ka dhacay dagaal beeleed.

Wararka ayaa sheegaya in ay jirto cabsi xoogan, oo dadka deegaanka ka qabaan dagaal dhexmara ciidamado cusub oo ay Alhu Sunna iyo Galmudug geeyeen degmadaasi.

Odayaasha ayaa ugu baaqay Ahlu Sunna iyo Galmudug inay ciidanka kala baxaan Caabudwaaq, si looga baaqsado dagaal kale oo ka dhaca degmada.

Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa isku haya maamulka Caabudwaaq, waxaana labada dhinac geeyeen magaalada ciidamo horleh, oo dhaliyay xiisada dagaal, iyadoo horey u jireen colaad kale oo beelo dhexmartay.

Ahlu Sunna ayaa maamusha degmooyin iyo deegaanno dhowr ah, oo ku yaalla gobolka Galgaduud, kuwaasi oo ay kamid tahay magaalada Dhuusamareeb, oo xarun ugu magacaaban Maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM