Xiisadda DF Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo gacan ka hadal isku rogtay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Iska hor-imaad u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo taabacsan Ahlu Sunna ayaa xalay laga soo wariyey Dhuusamareeb, caasimada Galmudug.

Inta la xaqiijiyey laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay falkaas, sidda ay baahisay saxaafada maxaliga ah ee dowlad goboleedkaas.

Is-rasaaseynta ayaa la sheegay in ay ka dhacday nawaaxiga xarunta INJI, fariisinka ugu weyn ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Wararka ayaa sheegaya in rasaasta ay timid markii kolanyo kasoo baxday xaruntaas ay ciidamadu isku dayeen in ay ku joojiyaan kontarool ay ku leeyihiin nawaaxiga fariisinka Ahlu Sunna.

Ma cadda cidda bilowday xabadaha oo la xusay in ay socdeen dhowr daqiiqado, wallow ay iskooda ku joogsadeen. Illaa iyo haatan la ogga cidda la socotay kolanyadda oo "diidey" in ay istaagto.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], madaxweynaha Galmudug, garabka Villa Soomaaliya, ayaa Ahlu Sunna ku eedeeyay mas'uuliyadda dagaalkaas iyo waxyeeladda ka dhalatay.

Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxweynaha Galmudug, garabka Ahlu Sunna, oo dhankiisa eedeeyay xukuumadda federaalka, ayaa xusay in ay wali wado abaabul ciidan oo ka ahan ururkiisa.

Iska hor-imaadkaan ayaa kusoo aadaya xili xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Ahlu Sunna iyo Villa Soomaaliya ay bilooyinkii lasoo dhaafay ahayd mid kacsan lagana cabsi qabay dagaal.

Dhacdadaan ayaa timid iyaddoo Ciidamadda Dowladda ay xireen mas'uuliyiin taabacsan Ahlu Sunna. Illo xog ogaal ah waxay xaqiijiyeen in Qoor-qoor uu amray in la xakameeyo dhaqdhaqaaqa xarunta INJI.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM