Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Image
Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

KISMAAYO, Jubaland - Is-rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo iyo Ilaalada Senator Ilyaas Gaboose ayaa ka dhacday agagaarka Hotel AGAN, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Iska horimaadka ayaa la sheegay in uu ka bilowday markii ciidamo ka tirsan Gaboose ay damceen in ay gudaha u galaan hotelka balse ay ka hortageen ilaaladiisa.

Senator Gaboose ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubaland, isagoo taageero ka helaya Villa Somalia, taasoo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid dagan balse waxaa jirta suurtagalnimada isku dhacyo kale iyadoo loollanka siyaasadeed ay dhexda u galeen is-qabqabsi ku aadan dhanka hogaanka maamulka.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa fariisin u ah maamulka Jubbaland ee hogaamiyo Axmed Madoobe kaasoo mar kale loo badinayo inuu kursiga sii joogi doono wixii ka dambeeya Nov 25 2024.

Kooxaha iska soo horjeeda iyo kuwa dibadda jooga ee ku loolamaya hogaanka Jubaland ayaa waxay kor u qaadeysaa suurtagalnimada in magaalada dhexdeeda lagu dagaalamo.

Dhaqdhaqaaqa Gaboose ee magaalada Kismaayo ayaa laga yaabaa inay sii xumeeyaan xiisadahaas, maadaama sida la aaminsan yahay ee uu Villa Somalia ula safan yahay loo arki karo inay caqabad toos ah ku tahay qabsoomida doorashooyinka maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM