Xil la wareegida Rooble oo dab ku shiday qalalaasaha dhanka dastuurka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hanaanka uu xilka kula wareegay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa baaziin sii qabad-siisay qalalaasaha dastuuriga ah ee waddanka ka jira, sidda uu shaaciyey jaraa'idka afka dheer ee Al Ceyn.

Maxamed Xuseen Rooble, 57-jir laga filayo in uu soo dhiso xukuumad cusub oo "tayo leh", ayaa xafiiska kala wareegay sii-haayaha ra'iisul wasaaraha, Mahdi Xuseen Guuleed, oo laba bilood xafiiska joogay.

Arbacadii, baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyey Rooble kaasoo madaxweyne Farmaajo uu magacaabay 17-kii bishan September si uu u bedelo Xasan Cali Khayre oo Aqalka Hoose uu eryay 25-ka bishii Julaayo.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, Khayre oo warqad u qoray Rooble wuxuu codsaday in uu xilka isaga wareejiyo, balse uu ku hungoobay dalabkaas.

Khuburada sharciga ayaa xusay in Rooble ay ahayd in uu jagada ku wareejiyo ra'iisul wasaarihii hore Khayre, iyagoo farta ku fiiqay in magacaabida Guuleed ay ahayd ku tumasho bareer oo dastuurka qabyadda ah lagu sameeyo.

Inkasta oo kalkii dambe uu shaaciyey in uu is-casilay, diidmada Khayre uu kala kulmay in uu xilka ku wareejiyo ra'iisul wasaaraha cusub ayaa dibada u soo saartey in uu qoto dheer yahay muranka kala dhaxeeya Farmaajo.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu meesha ka saarey wasiirkii koowaad ee hore markii ay isku qabteen siyaasada doorashada taageereyna maamulada.

Aakhiritaankii, madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ayaa ku qasbanaadey in uu la heshiiyo dowlad goboleedyadda isla markaana baabi'iyo riyadiisa doorasho qof iyo cod ah taasoo la aaminsan yahay in ay kororsiga ku qarsooneyd.

Heshiiskaas oo dhigaya in coddeynta soo aadan ay noqoto degaan doorasho ka qabsoomeysa laba magaalo ayna coddeynayaan 101 isla markaana shaqada bilaabaneyso November ayaa 17-kii bishaan lagu saxiixay Villa Soomaaliya.

Sharci iyo dastuur jebinta dowladda Farmaajo ayaa soo taxanaa tan iyo markii ay xafiiska timid Febraayo, 2017-kii, waxaana ugu waaweyn; dhiibida iyo xayiraad socdaal oo ka dhana h muwaadin iyo cunaqabateynta maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir: Puntland kama qeybgalayso Shir aan ahayn Gogoshii MW Deni iyo Beesha Caalmka ku baaqeen

Mar hadii shirarka Gollaha Wadatashiga aan looga hadlayn arrimaha muhiimka ee la isku khilaafsan yahay ee salka ku haya dastuurka...

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 05:33PM

Soomaaliya: Fariin loo direy Baarlamaanka oo sheegaysa kulan Sabtida ah – Buuqa oo sii xoogeysanaya

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha ayaa suurtagal noqon waayey kadib markii…

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 11:56AM