Xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo u sharaxan gudoomiyaha Barlamanka Puntland
07 November, 2015(GO)-Xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo ka mid ah Barlamanka Puntland ayaa maanta iclaamiyay inuu u taaganyahay jagada Afhayeenka Xildhibaanada Puntland.
Axmed Cali, ayaa horay u soo noqday gudoomiyaha Barlamanka Puntland xiligii dowladdii Cade Muuse, waxuuna saxaafadda u sheegay inuu booska horay u soo qabtay aqoonna badanna u leeyahay hogaaminta Xildhibaanada.
Doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa laqabanayaa Isniinta soo socota, waxaana u Sharaxan dhawr mundane.
GAROWEONLINE