Xildhibaan Carab "ka yeeli mayno dowladda inay waqtiga kororsato" DHEGEYSO

Image

July 30, 2015 (GO)- Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Difaaca ee Barlammaanka Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise,   oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay tahay arrin nasiib darro ah inaysan dalka Soomaaliya ka dhici doonin doorashooyinkii loo balansanaa sanadka 2016.

Xuseen ayaa sheegay in xukuumadda xilligaan jirta iyo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo lagala xisaabtami doono sababaha keenay in ay habsaamaan shaqooyinkaas muhiimka ahi.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in sanadka dambe Soomaaliya ka dhacdo doorasho, nooca ay doontaba ha ahaatee.

Ugu dambeyntii wuxuu carrabka ku adkeeyey in xukuumadda hadda jirta aan laga  yeeli doonin inay waqtiga kororsato.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan ayaa ku fashilantay in badan oo kamid ah balan qaadyadii ay horay u samaysay, gaar ahaan ballan-qaadkii ahaa in dalka doorasho hal qof iyo hal cod ahi ka dhici doonto marka la gaaro sanadka 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM