Xildhibaan Dalxa: "Ra'isal Wasaaraha ha laga daayo cadaadiska"

Image

February 2, 2015 (GO)- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Barlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay waqtiga dheeriga ah ee la siiyey xukuumadda Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali sharmaake, si uu dib u eegis ugu sameeyo una soo dhameystiro xukuumadiisa cusub.

Dalxa oo saxaafadda Muqdisho la hadlay, wuxuu sheegay inuu jiro cadaadis xooggan iyo faragelin lagu hayo shaqada Ra'isal Wasaaraha, inkastoo uusan si rasmi ah u caro baabin cidda faragelinta ku haysta shaqalada Cumar Cabdirashiid.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in ra'isal wasaaraha loo madax banaaneeyo howlihiisa si uu u soo xusho xukuumad tayo ah. Wuxuu sheegay in fara-gelintu in ay keenayso is qabqabsi iyo in aan horay loo dhaqaaqin.

"Waxaan baaqaya a raacinayaa hadii ay jirto cid fara-gelin ku haysa ra'isal wasaaraha in ay ka dhaafaan si uu u guto masuuliyadda ka saaran umadda iyo wadankaba. Dadka uu keenayo isaga ayaa beri xambaraaya masuuliyadooda hadii ay shaqada gudan waayaan. " Ayuu yiri Dalxa.

Ra'isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxaa saameeyey dhinacyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda isla markaasna dano kala duwan leh. Xildhibaanada baarlamanka federaalka ah ayaa dhowr jeer  ugu goodiyey in aysan ansixin doonin xukuumadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM