Xildhibaan Fowsiyo oo si rasmi u shaacisay inay u taagan tahay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika

Image
Doorashada Xilkan ayaa la qaban doonaa 25-ka Febraayo ee sanadka soo soocda.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay tahay murashax u taagan xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, ka dib shir jaraa'id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho.

Marwo Fowsiyo ayaa ku nuux-nuuxsatay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay xilkan, iyadoo xustay in qofka xilkan qabta uu faa’iido u horseedi karo dalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxay intaas ku dartay: “Soomaaliya waxay isku dayday inay jagadan hesho 1970-meeyadii, laakiin kuma aysan guuleysan, weligeedna ma qaban, balse markaan waxaa guddoonka leh bariga, waxaana ka sharaxan annaga iyo Kenya.”

Xildhibaan Fowsiya ayaa hadalkeeda ku soo gebegabeysay in Soomaaliya fursad aad u sarreysa ay u leedahay hanashada xilkan doorashadiisa la qaban doono 25-ka Febraayo ee sanadka soo soocda haddii lagu bixiyo dadaal ku filan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dhawaan ugu deeqay lacag dhan 500$ oo Mushaarkooda ah si ay ugu taageeraan musharaxnimada Xildhibaan Fowsiya, xilli la filayo in Madaxda dalka ay iyaguna ka qeyb qaataan dadaalkaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM