Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Somalia oo ka badaabdey dil

Image

Talado November 11, 2014 [GO]- Xildhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka tirsan Barlamanka Dowlada Federaalka Somalia ayaa ka badbaadey isku day dil saaka mar uu kasoo baxey gurigiisa oo ku yaala degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Maxamad Cumar Dalxa oo markaas kusoo wajahnaa xarunta Barlamanka Somalia ayaa waxaa gaarigiisa hortiisa isku gooyey baabuur nooca loo yaqaan Noha oo ay saaranaayeen  dabley ku hubeysan qoryahay fudud kuwaasoo tacshiirad ooda kaga qaadey.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintey darwelka Xildhibaanka iyo askari ka tirsan ilaalidiisa balse mudanaha ayaa weerarkaan wax dhaawac ah ka soo gaarin.

Dalxa ayaa ka tmid ah Xildhibaanada mudada dheer xubinta ka ahaa Barlamanka dowlada Federaalka Somalia 

Kooxda Al-shabaab oo dhowaan laga qabsadey degaano farabadan ayaa weli sheegan weerarkaan balse falal lagu dilayo mas'uuliyiinta dowlada maalmihii ugu dambeeyey ka fuleyneysay magaalada Muqdishu.

Kulan Barlamanka dowlada Federaalka ayaa maanta kusoo dhamaadey buuq kadib markii la horkeeney mooshin la rabo in xilka looga qaado Ra'isla wasaaraha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Fiqi oo dhaliilay shirkii Nairobi: "Mustaqbalka Soomaaliya laguma go'aamiyo dibadda"

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo safar uu ku tagayo magaalada Kismaayo.

  • Soomaliya

    03-10-2025

  • 12:39PM

Deni iyo Axmed Madoobe oo Mucaaradka Xasan Sheekh kula shiray Nairobi

In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo mideyn doona Madasha Samatabixinta Qaran iyo dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    02-10-2025

  • 05:27PM