Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Somalia oo ka badaabdey dil

Image

Talado November 11, 2014 [GO]- Xildhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka tirsan Barlamanka Dowlada Federaalka Somalia ayaa ka badbaadey isku day dil saaka mar uu kasoo baxey gurigiisa oo ku yaala degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Maxamad Cumar Dalxa oo markaas kusoo wajahnaa xarunta Barlamanka Somalia ayaa waxaa gaarigiisa hortiisa isku gooyey baabuur nooca loo yaqaan Noha oo ay saaranaayeen  dabley ku hubeysan qoryahay fudud kuwaasoo tacshiirad ooda kaga qaadey.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintey darwelka Xildhibaanka iyo askari ka tirsan ilaalidiisa balse mudanaha ayaa weerarkaan wax dhaawac ah ka soo gaarin.

Dalxa ayaa ka tmid ah Xildhibaanada mudada dheer xubinta ka ahaa Barlamanka dowlada Federaalka Somalia 

Kooxda Al-shabaab oo dhowaan laga qabsadey degaano farabadan ayaa weli sheegan weerarkaan balse falal lagu dilayo mas'uuliyiinta dowlada maalmihii ugu dambeeyey ka fuleyneysay magaalada Muqdishu.

Kulan Barlamanka dowlada Federaalka ayaa maanta kusoo dhamaadey buuq kadib markii la horkeeney mooshin la rabo in xilka looga qaado Ra'isla wasaaraha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM