Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka oo Boorame lagu xiray

Image

July 2, 2015 (GO)- Booliska Somaliland ayaa magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ku xiray xildhibaan ka tirsan baarlammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka la xiray oo lagu magacaabo Axmed Xuseen Xasan (Sitiin), waxaa xariggiisa warbaahinta u xaqiiiyey Guddoomiyaha Gobolka Awdal- Maxamuud Cali Saleebaan (Rabaax).

Rabaax ayaa sheegay in sababta ka dambeysa xarigga xildhibaankaasi tahay maadaama uu sifo aan sharci ahayn kusoo galay Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"adeer Somalia iyo Somaliland waa labo dal oo kala gaar ah...xildhibaanku intuusan soo gelin Somaliland waxay ahayd inuu dowladda cafis soo weydiisto" ayuu yiri.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa digniin u direy mas'uuliyiinta xilalka ka haya Dowladda Federaalka ee kasoo jeeda Somalialand, isagoo ku tilmaamay kuwo dhuuni raac ah kuna hanjabay in Somaliland gacan bir ah ku qaban doonto.

Waa markii labaad ee intii lagu guda jirey sanadkan 2015 Xildhibaan Axmed Xuseen Xasan (Sitiin) lagu xiro magalada uu kasoo jeedo ee Boorame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM