Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudane ka tirsanaa Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay xilli dambe ku geeriyooday caasimadda wadanka ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Sidda ay wararku sheegayaan, Aadan Xasan Cali [Jamhuuriya] oo la filayo in maanta la aaso ayaa muddo la ildarnaa cudurka Sonkorta.

Jamhuuriya oo lagu daaweynaayey mid kamid ah Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaala madaxda waddanka ayaa ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda Aqalka Hoose ee xeer-dejinta.

Guddoonka golaha iyo mas'uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaano ayaa si tiiraanyo kaga tacsiyeeyey geerida marxuumka, iyagoo u rajeeyay naxariiste ALLE.

"Daris iyo saxiibo soo wada koray"

Cabdiraxmaan Odowaa, oo ay iska tirsanaayeen golaha shacabka kana kamid ah xubnaha muujiyey in ay murugada la wadaagayaan qoyska marxuumka, ayaa sheegay in ay hal meel kusoo wada koreen.

Odowaa oo mar soo noqdey Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa hadalkaan kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook.

"Waxaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Xildhibaan Aadan Jamhuuriya. Xildhibaan Aadan waxaan ahayn daris iyo saxiibo ku soo wada koray xafadda Towfiiq, dagmada Yaaqshiid. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo," ayuu u qornaa falcelinta sharci-dejiyaha laga soo doorto degaanada Galmudug.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan fasax ku jira sababo la xiriira cabsida laga qabo faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Corona, kaas oo kiisaska laga helay guud ahaan dalka ay gaarayaan 116, oo u badan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM