Xildhibaan ka tirsanaa barlamanka DFS oo Muqdisho lagu diley

Image


February 9, 2015 (GO)- Xildhibaan ka tirsanaa Barlamanka Federaalka ayaa goor dhow lagu diley degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirey Cabdulaahi Qayaad Barre, waxaa toogtey dabley hubeysan oo gaari watey xilli uu kusoo jeedey xarunta barlamanka.

Dilalka qorsheysan ee loo adeegsado gawaarida ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 shan xildhibaan qaabkan oo kale Muqdisho loogu khaarijiyey.

Dilka Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad Barre ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee sanadkan 2014 Muqdisho loogu geysto xildhibaan ka tisan barlamanka, wuxuuna kusoo aadayaa xilli maanta codka kalsoonida loo qaadayo xukuumadda Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Mas'uuliyadda dilka xildhibaan Qayaad waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM