Xildhibaan Keerow "waan soo dhoweynayaa dhismaha derbiga"

Image

March 24, 2015 (GO)- Bilow Kerow oo ah xildhibaan ka tirsan barlamanka Kenya lagana soo doorto degmada Mandheera ayaa soo dhoweeyey derbiga dowladda Kenya sheegtay inay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Keerow oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in derbigani qayb weyn ka qaadan doono xoojinta ammaanka Kenya.

" derbigu wuxuu hoos u dhigayaa tirada kooxaha argagixisada ee soo gelaya  gudaha Kenya kadibna geysanaya falalka ammaanka lidka ku ah ee dhaqaalaheena wiiqaya" ayuu yiri.

Dowladda Federaalka mas'uuliyiin ka tirsan ayaa sheegay in warka ku saabsan dhismaha derbigan aan lagu soo wargelin dowladda Soomaaliya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga boqollaal askari oo qayb ka ah hawgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Al-shabaab ayaa weerarro ka geysaneysey gudaha Kenya laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasoo militeriga Kenya dhinaca Soomaaliya usoo tallaabeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM