Xildhibaan lagu dhaawacay weerar ka dhacay Muqdisho

Image

May 23, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof oo midkood yahay xildhibaan ka tirsan baarlammaanka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmey weerar goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa rasas ku furey gaari ay wateen labo xildhibaan oo ka tirsan baarlammaanka kuwaasoo ka yimid dhanka xarunta baarlamaanka.

Dableyda ayaa gaari ku hor gooyeen gaariga xildhibaannadu la socdeen kadibna tacshiirad huwiyey.

Weerarka waxaa ku dhaawacmey Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir iyo dareewalkii gaariga, waxase ka badbaadey xildhiban Cabdalla Boss Axmed.

Dadka dhaawacmay oo sida lagu soo warramayo xaaladoodu fududahay waxaa loo qaaday isbitaalka Daarul Shifa.

Dableyda ayaa ku guuleysatey inay durbadiiba goobta ka baxsadaan.

Dhanka kale, weerar kale oo dhacay degmada Hodon ayaa lagu diley labo qof oo midkood ahaa sarkaal u shaqeynayey Dowladda Federaalka.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa oo Midowga Yurub Ka Dalbaday Taageero Dheeraad ah xilliga Kala-guurka AUSSOM  

Dhankeeda, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, ayaa bogaadisay guulo wax ku-ool ah.

  • Soomaliya

    20-10-2025

  • 12:46PM

Muxuu Guudlaawe xilka uga qaadey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan?

Xilka qaadista ayaa timid xilli uu jiray muran xooggan oo ka dhashay canshuuraha laga qaado garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

  • Soomaliya

    20-10-2025

  • 11:28AM