Xildhibaan lagu dhaawacay weerar ka dhacay Muqdisho

Image

May 23, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof oo midkood yahay xildhibaan ka tirsan baarlammaanka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmey weerar goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa rasas ku furey gaari ay wateen labo xildhibaan oo ka tirsan baarlammaanka kuwaasoo ka yimid dhanka xarunta baarlamaanka.

Dableyda ayaa gaari ku hor gooyeen gaariga xildhibaannadu la socdeen kadibna tacshiirad huwiyey.

Weerarka waxaa ku dhaawacmey Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir iyo dareewalkii gaariga, waxase ka badbaadey xildhiban Cabdalla Boss Axmed.

Dadka dhaawacmay oo sida lagu soo warramayo xaaladoodu fududahay waxaa loo qaaday isbitaalka Daarul Shifa.

Dableyda ayaa ku guuleysatey inay durbadiiba goobta ka baxsadaan.

Dhanka kale, weerar kale oo dhacay degmada Hodon ayaa lagu diley labo qof oo midkood ahaa sarkaal u shaqeynayey Dowladda Federaalka.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM