Xildhibaan Mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh oo Kursigiisa waayay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - C/llaahi Xaashi Abiib, oo katirsanaa Gollaha Shacabka ayaa waayay kursigiisa Xildhibaanimo, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Sheekh Aadan Maddoobe.

Qoraal uu soo saarey Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay uh Xildhibaan Abiib uu waayay kusriga kadib markii uu soo xaadiri waayo kulamada labo kal-fadhi, waxaana go'aankan loo cuskadey qodobka 59aad ee Dastuurka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay inuu banaan yahay kursiga HOP#201, oo matelaya gobollada waqooyi [Somaliland]. Xildhibaan Abiib ayaa aad u dhaliila dowladda Federaalka, isagoo soo bandhiga qoraallo ku saabsan musu-maasuqa hay'adaha dowliga iyo Bangiga Dhexe.

Xildhibaanka ayaan wali ka hadlay g'aanka Sheekh Aadan Madoobe, oo imaanaya xili Xubno badan oo kamid ah Baarlamaanka ay ugu baaqeen Madaxweynaha dowladda Federaalka inuu is-casilo, iyagoo ku eedeeyay fashilka amniga iyo xiriirka dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM