Xildhibaan Xaabsade oo Muqdisho ku geeriyoodey

Image

January 25, 2015 (GO)- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo kamid ahaa xildhibaannada Barlamanka Federaalka ayaa xalay ku geeriyooday magaaladda Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhintay xanuun uu muddooyinkii u dambeeyey la jiifey, iyadoo qaar kamid ah qaraabadiisu sheegeen inuu qabey xanuunada macaanka iyo dhiig karka.

Xaabsade oo kamid ahaa asaaseyaasha ururkii RRA, islamarkaana caan ka ahaa gobolada koonfur galbeed, waxaa la filayaa in gelinka hore ee maanta lagu aaso isla magaalada Muqdisho.

Sanadkii hore ee 2014, waxaa geeriyoodey ku dhowaad toban xildhibaan oo ka tirsanaa Barlamanka Soomaaliya, kuwaasoo badankood weeraro qorsheysan lagu diley, qaar kalena si dabiici ah u geeriyoodeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM