Xildhibaan Xasan Abshir oo beeniyay inuu geeriyooday [Dhagayso]

Image

01 November, 2015(GO)-Xasan Abshir Faarax oo muddo  ka soo tirsanaa Barlamanka Somalia dhawaanna xilkaasi iska casilay ayaa manta beeniyay warar lagu qoray qaar ka mid ah mareegaha Internetka, kaasi oo lagu sheegay inuu ku dhintay weerar saaka lagu qaaday Hotel Saxafi ee magalada Muqdishu.

Waxaa uu sheegay inuu haatan nabad qabo kuna suganyahay magalada Nairobi xarunta dalka Kenya, wararkaasina yihiin kuwa been abuur ah.

Ex-Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa xusay  in weerarkaasi dhaliyay khasaaro badan ooo sababay inay naftooda waayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo kuwa horay xilal u soo qabtay.

Xasan ayaa tilmaamay inuu ka mid ahaa dadka daga Hotelka, sidaasina keentay in loo saadiliyo ka mid ahaanshaha, dadkii ku nafwaayay weerarka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM