Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo la dhaariyay

Image

08 December, 2015(GO)-Waxaa saaka magalada Baydhabo lagu dhaariyay 89 Xildhibaan oo ka mid ah Baralmanka uu maamulkaasi oo la filayo in laga dhigo 105 Xildhibaan.

Dhaarinta Xildhibaanada oo ka dhacday xarunta looga arrimiyo maamulkaasi, ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne Shariif Xasan Shekh, xubno ka tirsan wasiiradiisa iyo Odoyaal dhaqameed muddooyinkii dambe ku hawlanaa soo xulista mudanayaashan.

Shariif Xasan oo dhaarinta ka dib hadlay, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsanyahay Xildhibaanada la soo xulay, wuxuuna ugu baaqay inay qabsadaan wajibaadkooda.Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in la soo dhamaytiro qaybta dhiman.

9 kamid ah Xildhibaanadan ayaa haween ahaa, waxayna ku soo beegmeen xilli muddooyinkii dambe maran ka taagsaa soo xulistooda iyadoo warbaahinta loo soo bandhigin waxyaabaha lagu xalliyay.

Xildhibaanada ayaan shaqayn doona waqti dhan 4 sano, balse Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hormaray sannad oo hadda waxaa u dhiman saddex sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM