Xildhibaanada oo loo qeybiyey xeerarka dhameystirka doorashadda

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxaa loo qaybiyey xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddiga loo saarey diyaarinta ayaa Xildhibaanada ku wareejiyay xeerarka oo kala ah; Xaqiijinta Qoondada Haweenka, Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta baarlamaanka iyo Habka Nidaamka Doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi/Somaliland.

Sidda ku xusan warbixinta, gobolka Banaadir wuxuu ku yeelanayaa Senate-ka todoba kursi, si loo fuliyo waa in wax laga bedelaa qodobka 72aad ee Dastuurka, maadaama 7-da kursi ay dheeri noqoneyso.

Madaxda dowladda federaalka ah ayaa lagu eedeeyay in ay dano siyaasadeed oo qayb ka ah ololaha coddeynta soo aadan ay ka leeyihiin qadiyadan oo lagu baalmarayo qodob kamid ah dastuurka KMG ah.

Si loo ilaaliyo qoondada haweenka, guddiga ayaa qaatay hanaan ku meelgaar ah oo ku kooban 2020-21, taas oo ah in kuraasta haatan ku fadhiyaan mudaneyaasha haweenka ay dumarka kaliya ku tartamayaan.

Intaas waxaa wehlisa, si cod bixiyeyaasha gobol kasta u soo doortaan wakiiladooda, guddiga wuxuu isla qaatay in kuraas walba oo ka tirsan kuraasta Baarlamaanka u asteeyay Gobolka uu matalo.

Dhanka xubnaha metelaya gobolada Waqooyi, warbixinta waxay soo jeedisay in doorashadooda lagu qabto Muqdisho "inta laga helayo xal siyaasadeed" maadaama Somaliland gooni u goosad ay tahay.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay diyaarisay qorshe ay ku afduubeyso doorashada, iyagoo ka digay in lagu qabto magaala madaxda.

Qaar kamid ah maamulada iyo xisbiyadda mucaaradka oo ka hor-yimid xeerarka waxay cuskaday in aan laga talogelin, waxaana diidmada xeerarkan ay kamid yihiin caqabadaha hortaagan doorashada 2020-2021.

Sharciga la ansixiyey doorashooyinka oo ay ku baaqeen in la laalo ayay hoosta ka xariiqeen inuu sharci ka dhigayo nidaamka 4.5, taas oo kasoo horjeeda dastuurka qabyadda ah, waxayna xuseen in ay aqbali doonin.

Hoos ka akhriso warbixinta guddiga

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM