Xildhibaano laga hor-istaagay kulanka Golaha Shacabka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ay is-hortaageen qaar kamid ah Xildhibaanadii laga mamnuucay fadhiyadda Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee waqtiga ka dhacay 27-dii December, 2020-kii.

Mudaneyaasha oo lagu waramay in ay kamid yihiin Mahad Maxamed Salaad iyo Xasan Firimbi ayaa waxaa la wariyey in askartu ka celisay isgoyska Dabka ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kadib is-hortaaga mudaneyaasha, Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ayaa gaarey xarunta Aqalka Hoose. Wasiirka Caafimaadka, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sidoo kale kasoo muuqatay madasha.

Xilli shir guddoonka ay ku wehliyeen labadiisa ku xigeeno, afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa furay kulanka Golaha Shacabka.

Mudaneyaasha waxay ku horumareen ajandaha ansixinta laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha kuwaasoo kala ah; Axmed Zaylac Muuse iyo Maxamed Cismaan Cabdullaahi Xamza

Waxaa ogol u coddeysay 136 Xildhibaan, ma jirin cid diidey, waxaana ka aamustey saddex mudane kale, sidda uu shaaciyey Mursal oo faray in la dhaariyo labadaas xubnood oo taariikh nololeedkooda loo qeybiyey Xildhibaanada xaadiray shirka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur oo ka hadashay fadhiga Golaha Shacabka, ayaa xaqiijisay in qofka qaata goojada koowaad ee talaalka Covid-19 uu wali u-nugul yahay xanuunka. Balse waxay ku qeexdey "in uu u qabanaayo sidda Hergabka oo kale".

Xildhibaan Sakariye Maxamed Xaaji Cabdi oo ka tirsan Guddiga Aqalka Hoose uu u saarey xaalada Coronavirus ayaa naqdiyey hadal kasoo yeeray Fowziya oo la xiriira dhimashada Covid19.

"Dad gaaraya 367 qof ayaa [kaliya] afar todobaad gudahooda ugu geeriyoodey Covid19 degaanada Koonfur Galbeed. Warbixinta Wasaaradda caafimaadkana waxaa ku jirtey in guud ahaan dalka sanadkan oo dhan uu cudurka ku dilay 520 ruux," ayuu hoosta ka xariiqay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM