Xildhibaano mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh oo xayiraadda laga qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa go’aan ku gaaray in dib loogu fasaxo 15-xildhibaan oo hore looga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada guud ee kalfadhiga lixaad.

Xildhibaannadan ayaa hore looga hakiyay ka qeyb galka fadhiyada Golaha Shacabka kadib dhacdadii 27-kii bishii November ee sanadkii hore, taas oo keentay in qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka laga saaro fadhiyada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannadaas u sheegay inay muhiim tahay inay ilaaliyaan dastuurka Qaranka, xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.

Sidoo kale, wuxuu ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa wadashaqaynta iyo kala dambeynta Baarlamaanka, si loo gaaro horumar waara.

May be an image of text

Related Articles

Dagaal culus iyo qaraxyo gaadiid ah kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Moqokori

Waa degmadii labaad oo dowladda laga saarey tan iyo horaantii sanadkan, taasoo dhabar-jab ku ah maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 01:23PM

Maraykanka oo laga yaabo inuu wadahadallo la furo Al-Shabaab

Ujeeddada kulamadaas, ayuu sheegay, waa in la ilaaliyo danaha Maraykanka iyo in shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 07:20AM