Xildibaanada Soomaaliya oo laga jaray $500 kamid ah mushaharkooda

Image
Lacagtan ayaa waxaa lagu taageerayaa murashaxnimada Xildhibaan Fowziya Abiikar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 17aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Ku-xigeennada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, ayaa waxaa uu ajandaha kulanka maanta ahaa ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutubka 2aad, xuquuqda aasaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Qodobada 10-aad ilaa 20-aad.

Guddoonka Guddiyada Dastuurka ayaa ugu horreyn mudanayaasha Baarlamaanka labada gole la wadaagay warbixin soo koobaysa sagaalkii qodob ee cutubka koowaad ee Dastuurka oo doodistooda la soo xiray isla-markaana soo bandhigay macluumaad qoraal ah oo ay ku dhantahay aragtidii Sanatarrada iyo Xildhibaanadii fikirkoda dhiibtay.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib u eegista Dastuurka oo ay ugu horreeyaan arrimaha diinta, xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Soomaaliyeed sida xorriyadda hadalka kan muwaadinka iyo sinaanta, qofka inuu ku biiri karo xisbi siyaadeed ee dalka ka jira, ururo shaqaale iyo xaqa muwaadinka.

Dhanka kale Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa go'aan Baarlamaan oo wadajir ah ku meel mariyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu taageero musharaxnimadeeda tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) loogana jaro mushaarkooda Xildhibaan kasta ($500) shan boqol oo dolar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo soo gunnaanaday fadhiga maanta ayaa sheegay in dooda ay aad u ficneyd waxaana uu u mahadceliyay Xildhibaannadii waqtiga badan fadhiyay ee dulqaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM