Xilheynta madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed oo la kordhiyey

Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeedka ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu hal sano ku kordhiyey xil-heynta madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Laftagareen.

Mooshinka muddo kordhinta oo ay soo jeediyeen in ka badan 30 mudane waxaa ogolaatay badi xubnihii kulankii maanta kasoo qeybgalay.

Sidda ku xusan soo jeedinta, sababta muddo kordhinta loo sameynayo waa in la simo mudda xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Tani ayaa ka dhigan in baarlamaanka haatan jooga uusan dooran doonin madaxweyne xili kolkii hore ay hal sano kala dambeeyeen.

Sidoo kale, waxay la macno tahay in mudda xileedka madaxtnimadda Koonfur Galbeed oo kolkii hore ahayd afar sano ay noqotay shan.

Laftagareen oo bishii December ee sanadkii 2018 kusoo baxay doorasho ay cod-gasho iyo laaluush hareysay ayaa xafiiska ka tegaya 2024-ka.

Fadhiga ay mudaneyaasha ku meelmariyeen isbedelka ayaa qabsoomay iyaddoo ay jirto cabsida laga qabo faafitaanka Coronavirus oo in ka badan 160 kiis laga helay dalka, waxaana muuqata in ay halis u bareereen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM