​Xilliga la dhaarin doono Xildhibaanada cusub oo lagu dhawaaqay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa Xalay Muqdishu looga dhawaaqay waqtiga  rasmiga ah ee la dhaarinayo Xildhibaanada Labada gole, ee Baarlamaanka cusub ee Somalia, oo dib u dhacday 15ka Bishan.

Xoghayaha Guud ee maamulka Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux), ayaa shaaciyay in maalinta Talaadada ah ee soo socoto (27-ka December) la dhaarin doono Xildhbaanada cusub.

Xildhibaannada cusub ee labada Aqal ee ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan munaasabadda dhaarinta oo ka dhaci doonto xarunta General Kaahiye ee ciidamada Booliiska Somalia magaalada Muqdishu.

Dhaarinta Mudaniyaasha Baarlamaanka 10-aad ee Somalia ayaa lagu waday in la dhaariyo 15-ka bishan, balse dib loo dhigay sababtoo ah khilaafka ka taagan kuraasta qaar, oo si musuqmaasuq ah lagu doortay.

Waxaa laga yaabaa in ay dhici wayso Dhaarinta Talaadada soo aadan, maadaama ay wali taaganyihiin qodobo aan xal laga gaarin oo sabab u ahaa dib u dhacyada ku yimid doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo lagu waday inay qabsoomaan 22-ka iyo 28-ka December.

Arrimaha ugu waawayn ee ka taagan Doorashada Somalia, waxaa ugu horeeya muranka 24-ka Kursi ee ay Beesha caalamka dalbadeen in doorashdooda dib loogu laabto, iyadoo la waafajinayo Hanaanka doorashada dalka.

Kuraasta lagu muransan yahay waxay hareeyeen Shirka Madasha Hogaanka Qaran ee Muqdishu, kaasi oo fashilmay markii ay maamul goboleedyada, dowladda federaalka iyo Beesha caalamka ay isku khilaafeen Go'aanka gudiga xalinta khilaafaadka doorashada oo liiska 24-ka kursi kusoo koobay 11 xubnood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM