Ximin iyo Xeeb: yeeli mayno in shirka loo wareejiyo Dhuusomareeb

Image

March 24, 2015 (GO)- Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa kasoo hor jeestey go'aan ay shalay soo saareen odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Dhuusomareeb, go'aankaasoo ahaa in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe loosoo wareejiyey Dhuusomareeb.

Af-hayeenka Ximin iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo la hadlay VOA ayaa sheegay in qorshihii hore ee ahaa ee shirku Cadaado ka dhaco aanay waxba iska bedelin. Carays ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha go'aankaas qaatey aanay metelin bulshada Ximin iyo Xeeb.

"kharash badan baa la galay iyo diyaar garow muddo dheer soo socdey...shirku Cadaado ayuu ka dhacayaa qorshihii horena waxba iskama bedelin" ayuu yiri.

Hadalka kasoo yeeray Ximin iyo Xeeb ayaa imaanaya maalin kadib markii odayaasha dhaqanka ee beelaha gobollada dhexe ay go'aamiyeen in shirka maamul sameytna Galguduud iyo koonufta Mudug loo wareejiyo  Dhuusomareeb.

Arrimo dhowr ah ayey go'aankaas u sababeeyeen, waxaana ugu muhiimsanaa in Dhuusomareeb lagu doortey ammaanka iyo ay leedahay tasiilaadka kale ee shirka lagama maarmaanka u ah sida hoteelada iyo hoolalka shirarka.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay maanta magaalada Dhuusomareeb gaareen wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Madaxweynaha oo caawa Dhuusomareeb u hoyanaya ayaa la kulmi doona madaxda dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM