Xiriirada cayaaraha Somalia iyo Jubbaland oo hishiis gaaray

Image

21 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Somalia Cabdiqani Saciid Carab oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Kismayo ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas'uulyiinta xiriirka kubada cagta Jubbaland iyo bahda Isboortiga.

Carab ayaa sheegay inay isku afar garteen Afar qodob oo lagu hormarinayo Ciyaaraha Jubbaland, waxaana uu meesha ka saaray inuu jiro kala qo-qob ka jira dhanka xiriirka Somalia iyo maamulkaasi.

Qodobada waxaa ka mid ah, in Jubbaland laga hormarin doono dhinaca farsamada aqoonta iyo maamulka, helitaanka xeerarka lagu maamulo ciyaaraha, in la soo gaarsiiyo fursadaha la siiyo gobolada kale ee Somalia iyo xiriirka kubadda cagta ee maamulkaasi laga taageero dhinaca qalabaynta.

Bahda ciyaaraha Kismayo ayuu tilmaamay Gudoomiyuhu inay hormarsanyihiin, balse u baahanyihiin qalabayn iyo taageero ay helaan, wuxuuna ka digay in la sameeyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara hormarinta ciyaaraha Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM