Xiritaanka kalfadhiga Barlamanka Somalia oo dib u dhacey

Image

23 August,2015 (GO)- Gudoonka sarre ee baalamanka Somalia ayaa maanta xaqiijiyay in uu sii furnaan doono kalfadhigooda 6-aad sanadkan, illaa iyo inta laga maaraynayo ajandayaasha horyaala oo mooshinka madaxweyne Xasan Shiikh ugu horeeyo.

Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan "Jawaari" oo cuskanaya qodobka 24-aad ee xeer hoosadka golaha wakiilada, farqadiisa 5-aad, ayaa ku dhawaaqay in fadhiga 6-aad uu sii furnaan doono, illaa iyo inta laga maaraynayo ajandayaasha Baarlamaanka horyaala.

"Wuxuu qorshahaynu ahaa 27-ka bishan inaan soo gaba gabeeno fadhiga 6-aad, balse inta aan ka maraynayno ajandayaasha Baarlamaanka horyaala, waa sii furnaan doonaa insha alaah." ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiye Jawaari ayaan cadayn xilliga la soo xirayo kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka, kadib markii culeys uu kala kulmey xildhibanada mooshinka ka keeney madaxweyne Xasan Shiikh.

Barlamanka Federaalka ah ayaa waxaa horyaala mooshin la rabo in xukunka laga tuuro madaxweynaha Somalia iyadoo markii hore aheyd in maxkamada sare qaado eedeynta Xasan Shiikh balse waxay hada xildhibanaada dabada ka riixaya qodobkaan rabaan in go'aan laga gaaro aqalka wakiilada.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM