Xisbiga Sheekh Shariif oo dacwad ka gudbiyey xukuumadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa dacwad ka dhan ah xukuumadda u gudbiyey Maxkamadda Sarre.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo xisbiga siyaasadeed kasoo baxay, dacwadda ayaa waxay ku saabsan tahay is-hortaagii lagu sameeyay in Shariifka u socdaalo magaaladda Kismaayo.

Sheekh Shariif ayaa bishii hore ee September loo diiday in uu ka dhoofo garoonka Muqdisho si uu caasimadda ku meel gaarka Jubbaland uga qaybgalo caleema saarka Axmed Madoobe.

Talaabadaas ayaa daba socotay markii Laanta Fulinta ay ku amartay in diyaaradaha tegaya Kismaayo ay maraan madaarka Muqdisho si hubin la xiriirta amniga loogu sameeyo.

Go'aankaas ayaa lagu manceeyay isku day ay Villa Soomaaliya ku dooneysay in ay ku baajiso xafladda oo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 26-kii September oo lasoo dhaafay.

Puntland, Jubbaland, xisbiyo, siyaasiyiin iyo xubno kale oo ururada bulshadda ka tirsan ayaa cambaareeyay arrintaas iyaga oo ku sifeeyay "mid sharci darro ah oo baalmarsan Dastuurka".

Dowladda Federaalka ayaa illaa iyo haatan aan wali ka falcelin talaabadda uu qaaday xisbiga Sheekh Shariif.

Iyadda oo ay wali jirto xayiraadda, diyaar ka timid Nairobi, caasimadda Kenya, ayaa Sabtidii, 5-ta October 2019, tagtay Kismaayo, waxaana la socday wafdi ka qeybgalay caleema saarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM