Xisbiyo madal siyaasadeed kaga dhawaaqay caasimada Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah xisbiyadda ka aragtida duwan dowladda federaalka Soomaaliya ee hadda dhisan ayaa madal siyaasadeed kaga dhawaaqay Muqdisho, caasimada dalka.
Ku dhawaaqistan ayaa timid markii Talaadada maanta ah ay hogaamiyeyaasha xisbiyadan oo ay kamid yihiin; madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee waddanka ay kulan ku yeesheen magaala madaxdda.
Kulamadda oo mudooyinkii dambe socday ayaa waxaa looga arrin-sadey xaaladda guud ee uu marayo dalka gaar ahaan dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo xorriyadda hadalka.
Madasha Xisbiga Qaran ayaa waxaa afhayeen ku meel gaar ah loogu magacaabay C/latiif Muuse Nuur [Xildhibaan Sanyare] oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee dowladii Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Shariif Axmed ayaa dalka dib ugu soo laabtay bishii hore si uu kaga qeybgalo xafladda caleema saarka Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland, balse waxaa ka hor-istaagtay xukuumadda.
Villa Soomaaliya ayaa ku amartay diyaaraddaha tegaya kana soo baxaya caasimadda ku meel gaarka Jubbaland in ay soo maraan Muqdisho, go’aankaasi oo lagu sifeeyay "go’doomin" lana cambaareeyay.
Cilaaqaadka maamulka Kismaayo iyo dowladda federaalka oo xumaa mudooyinkii dambe ayaa sababay in Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan uu muddo bil ah ku xiran Muqdisho maxkamadeyn la’aan.
Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay Shirka Bahwadaagta Soomaaliya oo Talaadada maanta ah ka furmay caasimadda laguna gorfeynayo arrimaha qaranka gaar ahaan Amniga, Siyasadda iyo doorashada 2020-ka.
Qaar kamid ah maamulada, xisbiyo iyo siyaasiyiin ayaa xukuumadda uga digay muddo kororsi la sheegayo in ay qorsheynayaan, wallow aysan wali madaxda si furan uga jawaabin eedeyntaas.
Dowladda uu majaraha u hayo Farmaajo oo haatan mudada xileedkeeda uu uga haray sanad iyo bar ayaa laga dhowr-sugayaa in ay dalka ka hirgeliso doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka.
GAROWE ONLINE