XOG: Rooble iyo Beesha Caalamka oo la kulmaya Mucaaradka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya, Waan-waan socotay maalmahan ayaa lagu guuleystay in Musharixiinta Mucaaradka iyo Rooble ay aqbalaan la isagu keeno wadahadal fool-ka-fool ah.

Kulanka ayaa, sida uu ogaadey Garowe Online, dhacay Maanta oo Khamiis ah, Feb 25, waxaana ka qeybgalaya Madaxweyniyeyaasha Galmudug, Qoor-qoor, iyo dhigiisa HirShabeelle, Guudlaawe, oo dhexdhexaadinta sameynaya.

Qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin banaabaxa Jimcaha iyo Shirka doorashadda, ayaa la filayaa in dhinacyada kawada hadlaan, iyadoo ay Musharaxiinta saacadaha hore ee Khamiista ay la balan-san yihiin Wakiiladda Beesha Caalamka iyo Ra'iisul Wasaaraha xil-sii-gaarsiinta, Rooble.

Rooble ayaa lagu wadaa in marka uu la fariisto Musharixiinta Mucaaradka uu ka dalbado inay joojiyaan banaanbaxa Jimcaha oo laga wadahadlo arrimaha taagan, maadaama dowladda walaac ka qabto inuu sababo dagaal.

Dhanka Mucaaradka waxay dhowr shuruudood oo ay ugu horeeyaan in dowladda marka hore ogolaato inay qabtaan dibadbaxa iyo inay ay ka qeybgalaan shirka arrimaha doorashooyinka.

Lama oga inuu kulanka noqon doono mid miro-dhal ah oo lagu dhameeyo khilaafka taagan, sidoo kalena lagu qancin karo Mucaaradka inay ka tanaasulaan go'aankooda qabashada mudaharaadka.

Midna uma muuqdo labada dhinac inuu mowqifkiisa ka tanaasuli doono, maadaama Villa Soomaaliya aysan doonaynin inay qeyb ka noqdaan Mucaaradka heshiiska doorashadda.

Musharixiinta waxay horey u sheegeen in aysan joojin doonin banaanbaxyada Muqdisho inta dowladda ka aqbalayso dalabkooda in la dedejiyo hanaanka doorashadda, islamarkaana laga dhigo mid loo dhan yahay, oo iyaga qeyb ka yihiin.

Waxyaabaha kale ee ay diidan yihiin waxaa ku jira in Farmaajo uusan maqaam Madaxweyne ku fariisan shirarka, islamarkaana aan door hogaamineed ku yeelan heshiisyada la gaarayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM