XOG: Safarka Ra'isal wasarihii hore Somalia ku tagey dalka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya- Ra'isal wasarihii hore ee Somalia oo maanta ka baaqasdey inuu ka qayb galo khudbadahii musharaxiinta aqalka sare Barlamanka Somalia ka jeedinayeen Aqalka wakiilada Puntland ayaa wararka warsidaha Garowe online helayo sheegayaan iney timid kadib markii dalka  Kenya ugu maqnaa Safar deg deg ah oo aan la shaacin waxaa uu dadka ku hayo.

Cumar Candirashid oo maalintii Isniinta ka ka ambabaxey Garowe kasoo xubnaha xafiiskiisa inta badan ka tagey ayaa wararka GO  soo gaaraya xusayaan inuu kulamo qarsoodi ah la qaatey qaar la tirsan madaxda dalka Kenya.

Lama oga waxyaabaha kulamadaan lagaga hadlay balse waxaa jira warar ku dhow arimahan oo sheegaya Iney salka ku hayeen muranka Badda ee u dhexeeya dalalka Somalia iyo Kenya halka Ra'isal wasaarihii hore dadaaal ugu jiro sidii tageero dhaqaale ugu heli lahaa ololihiisa doorasho ee Somalia.

Ra'isal wasaarhii hore ee Somalia ayaa kamid ah madaxdii dowladii hore ee KMG ah kuwasoo loo haystey in hehsiis is afgarad ah la saxiixdeen dowlada Kenya kasoo diirada saarayey in wadahadal labada dal ku dhameysanayaan arimaha muranka Badda ee u dhexeeya labada dal.

Wadamada dariska la ah Somalia kuwasoo ciidamo ka joogaan dalkaan dagaaladu ka socdeen muddo 25 sano ah ayaa xusul duub ugu jira sidii ay saameyn ugu lahaan lahaayeen natiijada doorashada Somalia . 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM