XOG: Taliyaha sirdoonka Somalia oo walaakiis la raadinaya xubinta xildhibanka aqalka Hoose

Image

CADAADO, Somalia- Magaalada Caddaado xarunta maamulka Galmudug oo ay ka socdaan doorashooyinka aqalka Hoose ee Barlamanka Somalia ayaa waxaa laga soo sheegayaa rabshado iyo musuqmaasuq la xiriira qaabka xulshada  xildhibanada ee beelaha daga gobolkaas.

Doorashada xildhibanaada aqalka Hoose ee ka socota magaalada Cadaado ayaa ilaa iyo iminka waxaa la doortey xildhibaano ka kala tirsan beelaha Cayr Habargadir, Yibro, Mareexaan iyo Dir.

Tirada guud ee xildhibaanada aqalka Hoose ee maamulkaas oo ah 36 Mudane ayaa waxaa wararku sheegayaan in is-qab-qabsi badan ee beelaha dhexdooda ah uu hareeyeey tasoo wax u dhintey habsami u socodka doorashadaan.

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida kuwasoo xaruntoodu tahay magaalada Muqdishu 'NISA' Gen. Cabdulahi Gaafow Maxamud oo malamahan ku sugnaa xarunta maamulka Galmudug ayaa wararka soo gaaraya GO sheegayaan in xubinta xildhibanada beeshiisa Habar Cayn Murarsade  uu la raadinayo walaalkiis Cabdulqaadir Gaafow Maxamud kaasoo ka yimid dalka Canada ay abuurtey is-qab-qabsi beesha dhexdeeda ah.

Dhinaca kale xilkaan xildhibaanimada isla beesha Habar Cayn Murarsade waxaa u sharaxan Ciise Maxamud Guure oo ah gudoomiyaha Degmada Howlwadaag Muqdishu kasoo tageero ka haysta walaakiis Maxamad Maxamud Guure wasiirka howlaha guud ee maamulka Galmudug islamarkaana haysta degenaasho wadanka Sweden.

Muxuu ku saleysan muranka beeshaan?

Muranka u dhexeeya wasiirka howlaha guud ee Galmudug iyo Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida 'NISA' ayaa ku saleysan ergooyinka loo gudbiyey guddiga doorashada kuwasoo Gen. Gaafow qortey isaga oo tageeraya musharaxa xilkaan oo ah walaakiis iyadoo talabadaan ay diideen wasiirka maamulka Galmudug iyo Suldaanka beesha Xasan Maxamad Sabriye.

Wasiirka howlaha guud ee maamulka Galmudug oo ay weheliyaan walaalkiis iyo Suldaanka beesha Farculus Murarsade oo maalintii shaley yimid xarunta guddiga doorashada ee magaalada Cadaado ayaa wararku sheegayaan iney xabadeeyeen ciidanka Nabad Sugida kadib ku eedeyey in wasiirka iyo odayaasha kale soo weerareen xaruntaas iyadoo isla-maalintii shaley xabsiga loo dhaadhiciyey.

Wararka ayaa sheegaya sidoo kale in Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida xubinta kale ee xildhibaanimada ee isla jifidaan la raadinayo Mustafa Dhuxulow oo horey u ahaa xildhibaan ka tirsan Barlamanka Federaalka Somalia.

Guddiga khilaafaadka doorashada Somalia Heer Federaal iyo xafiiska Qaramada midoobey u qaabislan arimaha Somalia ayaa horey uga dhawaajiyey in nidaamka doorasho ee Somalia ka jiro musuqmaasuq-maasuq iyo is-dabamarin balse aan qaadin wax talaabo ah ay arintaan lagaga hortagayo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM