Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Image

Magaalada Laascaano oo ay ka socdaan diyaar-garow-ga shir la damacsan yahay in lagu dhiso  maamulka Khaatumo ayaa wararka ka imaanaya shegayaan in Villa Somalia kala shaqeyneyso hogaamiyaha maamulkaas ee Firdhiye inuu noqdo madaxweynaha maamul goboleedkaas.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo ka soo jeedaa gobolka Sanaag ayaa Villa Soomaaliya dooneysaa inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka Cabdulqaadir Axmad Cali Firdhiye.

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban dadweyne ka kala yimid gobollada Sanaag iyo Haylaan, kuwaas oo aan gabi ahaanba wadan oggolaanshaha isimada iyo cuqaasha labadaas gobol.

Sidoo kale, shirweynaha waxaa ka maqan Garaadka guud ee gobollada Sool iyo Cayn, Garaad Jaamac Garaad Cali, iyo siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Axmed Karaash iyo siyaasi Cabdirizaq Khaliif kuwaas oo qaarkood damacsanayeen iney u tartamaan xilka madaxweynaha maamulkaas.

Wararka la helayo ayaa muujinaya in dhammaan ergooyinka shirweynaha ay Villa Somalia u sahashay iney soo xushaan Firdhiye iyo Cabdirashid Jibriil, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, taasoo adkeyn doonta fursad lagula tartamo.

Warbaahinta Garowe Online ayaa sidoo kale ogaatay in Danjire Jamaal Xasan, oo dhawaan gaaray Laascaanood, uusan galeyn tartanka madaxtininada maamulkaas kadib markii aan la siin fursad uu ku soo xulo ergooyinka. Jamaal oo kasoo jeeda gobolka Haylaan ayaa Laascaanood u tagay aragti ah inuu u tartamo xilka madaxweynaha maamulkaan balse sida Garowe Online ogaadey siyaasiyiinta iyo inta badan shacabka reer Sool iyo Cayn ayaan ogoleyn in lagula tartamo xilka Madaxweynaha maamulkaas.

Xogaha la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh, ay u aragto dhismaha maamulkaas iyo madaxda ka soo baxaysa mid la xiriira qorshaha doorashooyinka lagu muransan yahay ee Soomaaliya iyadoo lacag badan ku bixineysa horgalintiisa. 

Puntland ayaa dhawaan sheegtay in aysan diidaneyn maamul ay sameystaan shacabka gobollada Sool iyo Cayn, balse ay ka soo horjeedo habka loo marayo iyo faragelinta dowladda federaalka ee dhismaha maamulada, taasoo lagu xadgudbayo dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM