XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Image

Muqdisho, 22 Luulyo 2025 – Warar soo baxay shalay ayaa muujinaya in La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin, uu iscasilaaddiisa u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheekh Maxamuud, hase yeeshee la sheegay in aan la aqbalin.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xuseen Macallin uu muddo doonayay inuu xilka iska casilo, iyadoo aysan si rasmi ah u caddayn sababta dhabta ah ee ka dambeysa iscasilaadda, balse ay jiraan dareenno muujinaya khilaaf ama cadaadis la xiriira hab-maamulka madaxtooyada.

Dhanka kale, haweeney ku dhaw madaxweynaha – oo xiriirka kala dhexeeya lagu sheegay mid qabiil ku dhisan – ayaa si maalinle ah u fulinaysay hawlo rasmi ah oo laga filan lahaa la-taliyayaasha madaxweynaha, iyadoo la sheegay in ay heysato warqad rasmi ah oo ka timid xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale, shaqsi kale oo muddo dheer xiriir qoys la lahaa Madaxweynaha ayaa lagu war helayaa inuu si toos ah uga shaqeynayay arrimaha dibadda iyo talo-bixinta Madaxweynaha, taasoo su’aalo laga keenay oo muujineysa is dhexgal iyo kala sarreynta la’aan ka jirta gudaha Madaxtooyada.

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka dhamaan xafiisyada dowladda, isagoo marar badan si toos ah ula shaqeeya shaqaalaha hoose ee hay’adaha federaalka, iyada oo laga tagayo habraacyadii rasmiga ahaa ee dowladda.

Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal arrimaha dowladda ayaa ka digay in nidaamkan faragelinta xafiiska Madaxweynaha uu carqaladeeyo shaqada hay’adaha dowladda, ayna wiiqi karto daahfurnaanta iyo hufnaanta hoggaaminta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM