Xoghayaha Gashandhiga Kenya oo ka hadashey Somalia

Image

Xoghayaha Gaashaandhigga Kenya, Raychelle Omamo ayaa wareysi ay siisay BBC mar ay maanta soo booqatay Istuudiyaha London waxay kaga hadashay hawlgalka ciidankeeda ee Soomaaliya iyo suaalo kale oo la xiriira eedeymaha loo soo jeediyay.

Wareysiga oo Af-ingiriisi ahaa ayaa lagu weydiiyay su'aal ku saabsaneyd waxa ay ka leedahay dalabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee inay ciidankooda Soomaaliya kala baxaan – waxay ku jawaabtay.

“Kenya waxay qayb ka tahay AMISOM - waxaanan ku shaqeynaaa tilmaamooyinka AMISOM iyo aragtida hawlgalka AMISOM. Soomaaliya iskama joogno uun, waxaan halkaas u joognaa Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka oo taageereya dadaalkeena ku wajahan dejinta dalka. Waan garawsanahay waxa la sheegay ee ay siyaasiyiintu ay yiraahdeen. Siyaasiyiintu wax badan ayay yiraahdaan - laakiin waxaan u malaynayaa in ay tahay mid adag sidii looga bixi lahaa xaalad cakiran oo aan degeneyn sida tan Soomaaliya.

Wareysi: Halkan ka dhageyso

Xigasho: BBC

 

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM