Xog laga helay qaabka loo maleegay weerarka Xabsiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macluumaadyo dheeraad ah ayaa waxaa laga helay toogashadii Axada maanta ah ka dhacdey Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, magaala madaxda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Tacshiiradda waxaa dhaliyey maxaabiis ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab kuwaas oo helay saddex bastoolad ah iyo lix bam-gacmeedyo, sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo amni.

Mas'uuliyiinta jeelka ugu weyn caasimada ayaa aaminsan in hubkaas lagu qariyey cunto iyo agab kale oo loo geeyay maxaabiista kadib markii laba jeer la booqdey muddo todobaad gudaheeda.

Iska hor-imaadka daqiiqo socday wuxuu dhexmaray ilaalada xabsiga oo gurmad ka helay ciidan kale iyo maxaabiis tiradooda lagu sheegay afar kuwaas oo dhamaantooda la toogtey.

Warbixinadda ayaa tibaaxaya in laba maxbuus kale oo dhaawac ah ay qabteen ciidamadda oo hadda si buuxda u maamulaya jeelka.

Inta illaa haatan la diiwaan-geliyey, laba kamid ah ilaalada xabsiga ayaa lagu dilay is-rasaaseynta, mana jiro wax dhaawacyo ah.

"Weerarka wuxuu si gaar ah uga dhacay qeybta xabsiga looga hayo maxaabiista ku xukuman mudada dheer," ayuu yiri sarkaal sarre oo u waramay Garowe Online kaasoo sababo jira u qariyey magaciisa.

Sidda ay xusayaan fahfaahinada qaar, maxbuus kale oo baxsaday ayaa dilay qof shacab ah iyo darawal mooto Bajaaj isla markaana uu horey u sii kaxeystay Mootadda.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa sheegay in shaqaqaada uu dhaliyey maxbuus cunto karinayey oo qori "ka xoogay" askari ilaalo u ahaa kadibna uu toogtay.

Isagoo u muuqda mid daboolaya xaqiiqada waxa dhacay, Jeneraalka ayaa sheegay in maxbuuska uu toogtay askari kale isla markaana ay sidaas ku heleen laba qori ayna bilaabeen iska caabin.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ku yaalla degmadda Xamarwayne ee gobolka Banaadir waa mid ammaankiisa aad loo adkeeya, waxaana la geeyaa maxaabiista Al-Shabaabnimada iyo Daacishnimada loo xukumay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM