Xogta shirka Beesha Caalamka u diyaarineyso DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Beesha Caalamka ayaa waxay daaha gedaashiisa ka qaban-qaabineysaa shir lagu waddo in dhamaadka todobaadkan ama bilowga asbuuca dambe uu madaxda dowladda federaalka iyo maamulada ku dhexmaro Muqdisho, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online [GO].

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in diblumaasiyiinta ay doorkooda u qarinayaan in aan loo arkin ay u kala dab-qaadayaan madaxda Soomaalida.

"Farmaajo ma iclaamin doono shirka sababta oo ah waxaa la diidayaa in marka fashil soo wajaho wadahadalka. Sidoo kale, waxaanan loo shaacin goorta iyo goobta uu ku qabsoomayo shirka in uu wali socdo u diyaar-garowga shirka iyo in laga fogaado weji gabax kale," ayay sheegeen dhowr illo wareed.

Warar madax-banaan ayaa tilmaamaya in shirka uu ku qabsoomi doono xeradda Afasiyooni oo ammaankeeda ay sugaan ciidamadda AMISOM.

"Doorka Beesha Caalamka ee shirkaan waa mid ballaaran. Waxay agaasimeysaa shirka oo dhan. Balse, wakiiladda Beesha Caalamka ma doonayaan in ay iyagu ku dhawaaqaan shirka. Hasa ahaatee, waxay damaanad-qaadayaal ka yihiin fulinta heshiiska kasoo bixi doona," ayay ku dareen illo wareedyadda.

Musharaxiinta ayaa saluug badan ka qaba in shirkan uu miradhali doono, iyaga oo aaminsan in Farmaajo uusan marnaba daacad ka ahayn in uu dhaqan-geliyo heshiis kasta oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka maadaama ay tuhmayaan in uu burburiyey is-afgaradkii ay la gaareen Xukuumada Rooble.

Wadaxaajoodyadan oo noqon kara fursad kale oo Soomaaliya ku xaqiijin karto in ay si nabad ah uga gudbeyso mar-xaladda kala gurka ah ayaa la filayaa in lagu sii amba-qaado heshiiskii doorashadda ee 17-kii September iyo soojeedinta guddiga farsamadda ee ku shiray xarunta KMG Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM