Xubnaha DF ku metelaya guddiyada doorashada oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha dowladda waqtiga kasii dhacayo ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay xubnaha dowladda ku metelaya guddiyadda doorashadda maamuladda.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay magacyadda kuwaasoo wadar ahaan gaaraya 15 - uu maamulkiiba ku leeyahay min saddex xubnood.

Magacaabidan ayaa kusoo hagaageysa xilli uu is-qabqabsi ka taagan yahay xubnaha guddiyadda doorashadda dowlad goboleedyadda markii Villa Soomaaliya ay faragelisay xulashadda maamulada taageersan.

Murashaxiinta iyo xisbiyadda mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxtooyadda Soomaaliya in ay ku dartay guddiyadda saraakiil ka tirsan hay'adda sirdoonka, shaqaale dowladeed iyo taageereyaasha madaxweynaha.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xusay in xubnahaas ay ku badan yihiin guddiyadda ay soo gudbiyeen madaxweyneyaasha maamuladda kala ah; Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Sidda ku xusan qoraal wadajir ah oo ay soo saareen, murashaxiinta ayaa qaadici doona doorashadda hadii aan waxba laga bedelin "doorashadda loo qaabeeyay in ay boobto kuna shubto" taliska Farmaajo.

Garowe Online ayaa fahansan in murashaxiinta ay kulamo ku yeelan doonan Muqdisho maalmaha soo aadan isla markaana ay ku dhawaaqi doonan gole ay ku mideysan yihiin si ay u cadaadiyaan dowladda.

Doorashadda Soomaaliya ee 2020-21 ayaa u muuqaneysa mid ka culeys badan dhamaan coddeyntii horey dalka uga soo dhacdey, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda sii cuslaato hadii is-faham imaan waayo.

Hoos ka akhriso guddiyadda Rooble

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM