Xubnaha Puntland iyo Jubaland ku metela guddiga doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa ku dhawaaqay liiska xubnaha ku metelaya guddiyadda doorashooyinka heer federaal, sidda ku xusan qoraalo kasoo kala baxay madaxtooyada labada maamul.

Xubnahan oo tiradoodu tahay min sideed – labada dowlad goboleed – ayaa ku biiraya xubno kale oo ku sugan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho isla markaana maareyn doona doorashooyinka heer qaran.

Sidda ku cad bayaanka Madaxtooyadda dowladda Puntland, xubnaha ay soo xulatay in guddiga ku metelaa ayaa waxay kala yihiin;

Cabdikariim Muuse Maxamuud

Muuse Cabdulqaadir Ducaal

Axmed Cabdi Maxamuud

Caynaanshe Yuusuf Xuseen

Caydaruus Axmed Faarax

Cabdirisaaq Cabdulle Faarax

Farxiya Xuseen Maxamuud

Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Dhanka kale, Sidda ku cad bayaanka Madaxtooyadda dowladda Jubaland, xubnaha ay soo xulatay in guddiga ku metelaa ayaa waxay kala yihiin;

Siyaad Maxamed Mursal

Axmed Maxamuud Cumar

Axmed Cabdi Nuur

Samsam Faarax Abuukar

Maxamed Cusmaan Gaab

Ibraahim Axmed Ibraahim

Axmed Yuusuf Maxamed

Abuukar Nuur Cabdi

Magacaabidan ayaa kusoo hagaageysa xilli war-saxaafadeed wadajir ah oo labadda maamul soo saareen ay ku baaqeen shir deg-deg ah oo lagu xalinayo khilaafka ka taagan doorashoooyinka qaranka 2020-21.

Bayaankaas nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayay ku sheegeen in madaxda dowladda federaalka ah ka cagajiidayaan khilaafkaas ayaga oo ka digay in waqtiga ka dhamaado 8-da Febraayo ayadoo la heshiin.

Beesha Caalamka oo dedaalo joogto ah wadday muddooyinkii dambe kuna saabsanaa xalinta is-faham-waaga taagan iyo madaxda dowladda federaalka ah ayaan wali ka falcelinta dhawaqa labada dowlad goboleed ee muhiimka u ah dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM