Xubno ka tirsan sirdoonka Al-Shabaab oo "isa-soo-dhiibay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba dagaalame oo ka tirsan qeybta sirdoonka Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamadda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Idaacadda ku hadasha afka milatariga ayaa tabisay in xubnahaas ay isku gacan-geliyeen Guutadda 14 October ee ku sugan magaaladda Marka.

Sidda ku xusan warbixinta lasii daayey shalay, shaqsiyaadkaas ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Isaaq Cumar Ibraahim iyo Qaasim Cabdullaahi Cali.

Taliyaha guutadda 14 October, Gaashaanle Cabdulqaadir Maxamed Muunye, ayaa la sheegay in dagaalameyaashan uu uga hortagay degaan ku dhow Marka isla markaana uu u soo galbiyey xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Marka laga soo tago baahinta macluumaadka iyo magacyadooda, Idaacadda ma aysans oo bandhigin sawiradda xubnaha ay sheegtay in la qabtey.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda ayaan wali dhankooda waxa aysan ka hadlin sheegashada ciidamadda.

Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu kamid yahay meelaha ay aadka ugu xoogan yihiin Al-Shabaab, wallow sanadihii ugu dambeeyay ay hoos u dhacdey joogitaankooda sabab la xiriira duqeymaha cirka ee Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM