​Xubno katirsan Al Shabaab oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdushu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax ay Labo qof ku dhimatay, mid kalena ku dhaawacmay ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimada dalka Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa xaqiijiyay in labada ruux ee geeriyootay ay ahaayeen xubno katirsan Al shabaab, kuwaasoo ku naftooda ku waayey Qarax ay aasayeen.

"Labo kamid ah Al shabaab ayaa ku waayay naftooda qarax miino oo ay ku aasayeen Wadada Ex-control Afgoye, mid kale oo la socdayna dhaawac ayaa kasoo gaarey, ma jirto dad shacab ah oo wax ku noqday," Ayuu yiri Xalane.

Qaraxa wuxuu ka dhacay Isgoyska Ex-control Balcad, ee degmada Heliwa Xalay Saqdii dhexe abaare 3:00AM, halkaasi oo inta badan adeegsadaan Gaadiidka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.

Majirto wax war ah oo dhinaca Al Shabaab kasoo baxay, balse dhacadadan ayaa qayb ka ahay kuwo horay u marar kala duwan uga dhacay magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM