Xubno katirsan Dharcadka NISA oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubaysan ayaa maanta barqadii agagaarka Buundooyinka degmada Waaberi ku dilay Afar askari oo katirsanaa Sirdoonka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Dharcadka.

Afarta NISA katirsan ee la dilay waxaa ku jirtay Gabar, sida ay dadka goobjooga u ahaa falka u sheegeen Garowe Online. Waxaa jira qof kale oo lagu dhaawacay weerarka gaadmada ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka xubnaha Sirdoonka NISA, oo mudooyinkii dambe aad loogu soo daadiyay Wadooyinka Muqdisho, iyagoo dharcad ah, oo koox kooxo u socda.

Taliska NISA wax war ah kama soo saarin dilkan, oo imaanaya xili qaraxyadii Muqdisho ka dhici jiray ay hoos u dhaceeen mudooyinkii dambe, iyadoo Al-Shabaab u bedeshay weeraradeeda ku dhufo ka dhaqaaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM