Xudur: sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo dowladda isu soo dhiibey

Image

March 30, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa isu soo dhiibey ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Col. Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Tima Cade) oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Bakool ayaa xaqiijiyey in sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Xasan gelinkii dambe ee shalay isa soo dhiibey.

Bilihii u dambeeyey waxaa korortey tirada saraakiisha xilalka sare ka haya Al-shabaab ee usu soo dhiibaya dowladda.

March 7, 2015 waxaa ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Galguduud isu soo dhiibey sarkaal kale oo ka tirsan Al-shabaab. Ninkaas  oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Maxamed wuxuu Al-shabaab u qaabilsanaa diyaarinta iyo rakibista walxaha qarxa.

Sidoo kale, December 2014  waxaa ciidamada dowladda ee gobolka Gedo isu soo dhiibey Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ah sarkaal xilal badan oo muhiim ah kasoo qabtey Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM