Xukuumada oo dib-u-habeyn ku sameyneysa hanaanka cadaalada

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in loo haabanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka caddaaladda dalka oo ah jiridda dowladnimadu, si loo helo nidaam dowladeed oo isu dheelli tiran.

Khayre oo ka qayb galay munaasabdda xuska sanad guurada 50aad ee aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay amniga dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha, loona baahanyahay in dib-u-habeynta caddaaladda in lagu dadaalo.

Waxuu Ra'iisul Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, ciidanka qarankuna ay noqdaan albaabka cadaallada laga gelaayo, maadaama bulsha aan cadaalad heysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyne, is-aaminaad iyo dhiirranaan.

Ra'iisul Wasaaraha oo u hambalyeey ciidamada asluubta iyo qoysaskooda ayaa sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed.

Hadalka wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili la xaqiijiyey walaac ku aadan in bulshadda qaarkeed ay cadaalad u doonato Al-Shabaab markii ay ku qanci waayeen garsoorka dowladda.

Garsoorka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay laaluush qaataan isla markaana aysan si dhex-dhexaad oo cadaalad ah u xukumin kiisaska madaniga ah iyo kuwa kale ee la xiriira ciqaabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isagoo ka hadlayay Shirka Garsoorka Soomaaliya oo todobaadkii hore lagu soo xiray Muqdisho wuxuu hoosta ka xariiqay baahi degdeg ah oo loo qabo in la sameeyo Golaha Adeega Garsoorka, taasoo aanan wali la guuleysan la hirgeliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM