Xukuumada Soomaaliya oo soo saartay go'aano khuseeya Masaajidda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay soo saartay go'aano khuseeya Masaajidda dalka.

Go'aanadan ayaa si toos ah ula xiriira ololaha ka hortagga faafitaanka fayruska safmarka ah ee Corona, sidda ku xusan war-saxaafadeedka wasaaradda oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

Warka qoraalka ah ayaa ku booriyey dadka u nugul cudurka ee la ildaran xanuuno uu kamid yahay Dhiig-karka in aysan tagi Masaajida, taas bedelkeeda salaada ku oogaan guriyahooda.

"In Aadanka, Jumcada iyo Jameecada si kooban loo oogo iyaddoo la qaadanayo taxadarka iyo talooyinka caafimaad," ayuu ku daray bayaanka wasaaradda oo ka kooban 12 qodob.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, maamuleyaasha Masaajida waa in ay ku dedalaan nadaafadda si lamid ah waa in ay xiraan Suuliyada iyo goobaha weysada qof walbana gurigiisa kusoo weysaysto.

"Qof walba oo ku tukunaya Masaajida waa in uu afka kusoo xirto Maaskaro, Baati ama Cimaamad," ayaa lasoo jeediyey, iyadoo aan lasoo bandhigin talaabada laga qaadayo cidda aan sameyn.

Ugu dambeyntii, ganacstadda iyo cid kasta oo awooda waxaa lagu waaniyey in ay ku tabarucdo Masaajida faraxalka jeermis dilaha ah. Tani waxay xoojineysaa dedaalada xakameynta Covid-19.

War-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM