Xukuumadda oo meelmarisay heshiisyo ay la gashay Qadar iyo South Korea
MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiisyo dhowr ah.
Heshiisyadan waxaa kamid ah hindise sharciyeedka iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Arrimaha Beeraha.
Sidoo kale waxay meelmariyeen Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, iyo heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Shirka degdeg ahaa ayaa waxaa si gaar ah u guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, iyo dib u xoreynta deegaannada ay ku suganyihiin Al-Shabaab.
Sidda laga soo xigtay qoraalk, Goluhu wuxuu meel-mariyey heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman oo ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.
GAROWE ONLINE